Ismaamullada oo la siinaya 370 bilyan oo shilin

0
636

Dowladaha ismaamullada ayaa lagu wadaa inay helaan miisaaniyad dhan 370 bilyan oo shilin .
Qoraal ka soo baxay xafiiska maamulka qoondeynta dakhliga ee dalka ee CRA ayaa arrinkan shaaca looga qaaday.
Waxaa uu qoraalkan tilmaamaya in wasaaradda maaliyadda ay ismaamullada dhaqaalahan u qoondeyn doonto marka la dejinaya qorshaha miisaaniyad sanadeedka 2021/2022-ka.
Sanadkii hore waxaa loo qoondeeyay dhaqaale dhan 316.5 bilyan oo shilin.
Arrintan ayaa lagu saleeyay ballanqaadkii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ahaa in ismaamullada la siin doono 53.5 bilyan oo miisaaniyad dheeraad ah.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhanka kale dowladda Shiinaha ay Kenya u oggolaatay in ilaa iyo bisha lixaad aynan bixin deyn ah 27 bilyan oo shilin sida laga soo xigtay wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka Ukur Yattani .