DHAGEYSO:Dadka qabo Albinism oo dowladda baaq u diray

0
655

Iyada oo maanta caalamka laga xusaya maalinka adduunka ee wacyigelinta la xiriirta xaaladda caafimaad ee Albinism oo ah inuu caddaado midibka maqaarka jirka ee qofka ayaa waxaa dowladda dhexe baaq u diray dadka qabo xaaladdan .
Waxay doonayaan in la siiyo taageero dheeraad ah oo lagu daryeelaya maadaama uu cudurka COVID19 saameyn gaar ah ku yeeshay si loo yareeyo faquuqa ay kala kulmaan bulshada.