Shacabka oo looga digay in ay ka jawaabaan farriin khiyaano ah oo la xiriirta kaararka Huduma

0
991

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa dadweynaha uga digtay in ay ka jawaabaan farriin been abuur ah oo ay u soo dirayaan shakhsiyaad doonaya in ay dhac hantiyadeed u gaystaan.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ay ka war heshay farriin waxba kama jiraan ah oo qofka loo soo diraya isaga oo lagu wargelinaya in kaarkiisa Huduma uu cilladaysan yahay sidaas awgeedna uu nambar aan rasmi ahayn la xiriiro.
Dadweynaha ayaa lagu boorriyay in ay iska indha tiraan dhambaalkan maadaama looga gol-leeyahay in lagu helo xogta qofka uu iskaga diiwaangeliyay adeegga lacagaha la isugu diro ee Mpesa.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa kenyaanka ku wargeliyay in nambarka rasmiga ee waaxda Huduma ee farriimaha saxda ah looga soo diraya uu yahay 0800221111.
Waxaa uu intaa ku daray in kaararka Huduma si lacag la’aan ah lagu qaato.