Ururka qaran ee macallimiinta dalka ee KNUT ayaa soo saaray digniin ah in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan.
Xoghayaha guud ee ururkan ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa sheegay in dhammaadka bishan ay shaqo joojin heer qaran ah sameynayaan hadii sida uu hadalka u dhigay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uunan soo afjarin faragelin uu KNUT ku hayo.
Labadii sano ee ugu dambeeyay waxaa uu khilaaf ka dhexeyay KNUT iyo TSC.
Mr .Sossion ayaa TSC ku eedeyay inay soo faragelisay diiwaangelinta macallimiinta xubnaha ka ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in guddiga adeegga macallimiinta uu si aan sharci ahayn diiwaanka uga saaray qaar ka mid ah barayaasha xubnaha ka ah.
Xoghayaha ayaa xubnaha KNUT ugu baaqay in ay deggaanaan iyo dulqaad muujiyaan inta laga xallinayo caqabadaha jiro.