Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa lacag wuxuu ugu deeqay Ceelbiyood laga Hirgalinayo deegaanka Lajiide ee gobolka Galgaduud Ceelkaas oo dadka deegaankaas ku nool ay si aad ah ugu baahi qabeen.
Qaar ka mid ah odayaasha deegaankaas,Qurba Joog, shacabka iyo Masuuliyiin dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug ka tirsan ayaa ka qayb galay munaasabad uu gudodomiyuhu lacagtaas ku wareejinayay waxayna ugu Mahadceliyeen dadaalkiisa uu kaga qayb qaadanayo dhismaha Ceelbiyoodkaas.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa ayaa dhankiisa sheegay in qayb ka mid ah dhaqaalaha Ceelbiyoodkaan lagu qodayo ay waqaf lagu bixiyay.