Waxaa la filayaa in dhawaan dowladda dhexe ay ismaamullada Wajeer, Garissa iyo Isiolo ka billowdo howlgal weyn oo dhanka amniga ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono hubka sharci darrada ah ee la adeegsado marka ay colaad timaado.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu jiro qorsho ballaaran oo la doonayo in xal waara loogu helo iskudhacyada soo noqnoqday ee saameeyay xuduudda Garissa iyo Isiolo.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in qaar ka mid ah madaxda siyaasadeed ay kaalin ka qaataan kicinta dadweynaha isagoo ku booriyay inaysan sameyn wax Khalkhal gelin karo xasiloonida guud.