Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee JSC ayaa guda galay geeddisocod la doonayo in lagu buuxiyo xilkii uu 12-kii bishan ka fariistay madaxii cadaaladda Kenya David Maraga.
Maraga oo muddo afar sano ah jagadan hayay ayaa noqday madaxa cadaaladda ee 14-aad ee wadanka soo maray.
Jagada hoggaamiyaha garsoorka dalka ayaa la shaaciyay inay bannaantahay hal toddobaad ka dib markii uu howlgab noqday Maraga.
Waxaa qoraal arrinkan ku aaddan soo saartay ku xigeenkiisi ahna sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu.
Haweeneydan ayaa sheegtay in shakhsiyaadka doonaya inay jagadan buuxiyaan ay haystaan ilaa iyo 10-ka bisha labaad ee sanadkan oo la soo afjari doono qabashada codsiyada shaqo.