Dowladda oo labo bilood ku kordhisay mudada bandowga habeenkii

0
563

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in muddo 60 cisho ah ay ku kordhisay mudada bandowga habeenkii ka jiro guud ahaan wadanka.
Bandowga ayaa shaqeeya inta u dhexeysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in amarkan uu ka dhaqan galaya guud ahaan Kenya uu sii jiraya ilaa dhammaadka bisha Toddobaad xilligaas oo wargelin kale laga sugaya dowladda.
Dowladda ayaa sidoo kale sii mamnuucday isku imaatinka dadweynaha, in saacadaha uu jiro bandowga uu qofku keligii socdo ama koox marka laga soo tago xaalado gaar oo la oggolyahay iyada oo la doonayo in qofku uu sito warqad ay qoreen booliska ama saraakiisha maamulka ee deegaankiisa.
Hasa ahaate waxaa uunan amarka bandowga habeenkii qaban doonin shakhsiyaadka bixiya adeegyada muhiimka ee loo fidiyo bulshada sida dhakhaatiirta, booliska, saraakiisha maamulka, shirkadaha daawooyinka, wariyaasha ,saraakiisha maamulka canshuuraha ee KRA ,shaqaalaha maamulka diyaaradaha ,kuwa duulimaadyada ee haysto leesinka shaqo, kuwa maareynta dekadaha , badaha , shaqaalaha shirkadaha soo saaro sidoo kalena qaybiya korontada ,maamulka waaxda tareenada shaqaalaha shirkadda dhuumaha shidaalka , biyaha iyo fayadhowrka , cuntada iyo gaadiidleyda safriya, dukaamada waaweyn ee laga adeegto, kuwa gaaska qaybiya, isgaarsiinta , bangiyada iyo xarumaha maaliyadeed,dab damiska iyo falcelinta ama gurmadka degdegga ,shirkadaha ilaalada , boostada, shaqaalaha warshadaha , waddooyinka iyo dhismayaasha, xamuulka , daryeelayasha carruurta , qareenada maxkamadda sare iyo waaxda daaweynta xoolaha.