Madaxweynaha dalka oo sheegay in BBI aynan isaga iyo Raila dan gaar ah ugu jirin

0
462

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ku sugan ismaamulka Kisumu ayaa shacabka gobolkaasi ugu baaqay in ay taageeraan qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa uu sheegay in aynan jirin faa’iidooyin gaar ah oo ay isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ama qoysaskooda ka helayaan sharci beddelka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in hannaanka uu yahay mid ay dani ugu jirto dhammaan shacabka maadaama lagu xoojinayo midnimada sidoo kalena uu kaalin weyn ka qaadanaya horumarka dalka.
Sidoo kale waxaa uu xusay in maamulka talada haya ee Jubilee uu ku dadaali doono sidii loogu guulaysan lahaa dacwadaha racfaanka ee ka dhanka ah go’aankii 5 garsoorayaal ah ay 13-kii bishan waxba kama jiraan uga soo qaadeen geeddisocodka BBI.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si rasmi ah u daahfuray dhismaha wadooyinka Kodiaga-Wagai-Onyinyore/Akala iyo Nyangweso ilaa Muhanda ee ismaamulka Siaya.
Wadadan oo lagu dhisaya 1.6 bilyan oo shilin ayuu dheerarkeedu yahay 38 kiilomitir.
Waxaa la filayaa in marka la dhameystiro ay isku furi doonto suuqyada kalluunka iyo qasabka ama qawaaxa ee gobolkaas.