Dibadbaxayaal taageersan dowladda dalka Itoobiya ayaa dowladda Maraykanka ku dhaliilay cunaqabateyntii ay dhawaan saartay gobolka waqooyi ee Tigray.
In ka badan 10,000 oo qof ayaa ka qayb galay isku soo baxa maanta dhacay.
Waxay isugu soo baxeen magaalada Addis Ababa iyaga oo sita ereyo ka dhan ah go’aankii xukuumadda Washington.