Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Qaza, iyagoo dilay ugu yaraan 101 qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo waaberigii saaka, oo ay ku jiraan 36 ka mid ah oo lagu dilay waxa loogu yeero “aagga nabdoon” ee al-Mawasi.
Weerarradan la xoojiyay ayaa imaanaya iyadoo Israa’iil ay wado abaabul weerar cusub oo dhanka dhulka ah oo ay ku qaaday Qaza ayna dib u billaabeen wadahadallada xabbad joojinta ee Xamaas ee Qatar.
Hogaamiyayaasha Carabta ee ku sugan magaalada Baqdaad ee Ciraaq ayaa ku baaqay in la soo afjaro dagaalka Israa’iil ay ku hayso Qaza, waxayna ka codsadeen tallaabo caalami ah oo gargaar bini’aadantinimo lagu gaarsiinayo dhulka go’doonsan.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza oo soo billaawday 19 bilood ka hor ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 53,272 qof halka lagu dhaawacay 120,673 kale oo Falastiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Qaza.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda Qaza ayaa tiradan u cusboonaysiiyay in ka badan 61,700, isagoo sheegay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen.