Kenya ayaa Brazil ka dalbatay taageero farsamo iyo mid maaliyadeed si ay u xoojiso dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska hab-nololeedyada dalka Haiti.
Codsigan ayaa ku soo beegmaya maalmo un ka dib markii madaxa wasiirada dalka Musalia Mudavadi, oo hadda ku sugan Brazil, uu ku booriyay beesha caalamka inay fuliso oo ay balaariso dhaqaalaha ay ugu yaboohday howlgalka ammaanka ee Haiti ee ay Qaramada Midoobay taageerto.
Kenya ayaa waxaa ay geysay ku dhawaad 800 oo sarkaal si ay uga qeyb qaataan xallinta amni darada ka jirta dalkaasi. Ilaa hadda, laba sarkaal oo Kenyaan ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen.
Howlgalka oo hadda galay sanadkii labaad ayaa waxaa uu taageero ka helay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka.
Booqashadiisi ugu dambeysay ee uu ku tagay Washington D.C, ayuu Mudavadi waxaa uu wadahadalo la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio kaas oo u xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee hoggaanka Kenya ee Haiti iyo dadaallada kale ee lagu taageerayo xasilloonida gobolka iyo maamulka dimuqraadiga ah.
Mudavadi oo safarkiisa sii wato ayaa sidoo kale waddanka Jamhuuriyadda Dominican kulan wadda tashi siyaasadeed kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Roberto Alvarez Santo Domingo Talaadadii, ka hor inta uusan u ambabixin Brazil.
Labada hogaamiye ayaa xusay in howlgalka uu guulo waaweyn ka gaari doono hadii saraakiisha ay si wanaagsan u qalabaysan yihiin oo ay u helaan taageero ku filan oo dhanka saadka ah.
Mudavadi, oo sidoo kale ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta, ayaa wada hadalo la yeeshay Amb. Mauro Vieira, Wasiirka Arrimaha Dibadda Brazil, oo ku sugan xafiiskiisa Brasília intii lagu guda jiray shirkii 5-aad ee wada-tashiga siyaasadeed ee Kenya iyo Brazil.
Waxaa shirkan ku wehliya Dr. Andrew Karanja, Safiirka Kenya u fadhiya Brazil, iyo Amb. Lucy Kiruthu, Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda iyo Diblomaasiyadda.