Booliska Bomet oo xiray nin lagu helay hilibka Eyga

0
394

Dadka ku nool deegaanka Sotik ee ismaamulka Bomet ayaa la soo deristay argagax kadib markii boolisku ay xireen nin lagu eedeeyay inuu gowracay ey iskuna dayay inuu hilibkiisa ka iibiyo dad aan ka shakin.
Sida laga soo xigtay Booliiska, tuhmanaha, oo lagu magacaabo Richard Kigen, oo 38 sano jir ah, ayaa la qabtay ka dib markii ay xog heshay ku xigeenka guddoomiye xaafadeedka magaalada Sotik, Madam Emma.
Eedeysanaha ayaa laga soo helay 15 kiilograam oo hilibka eeyga ah.
Su’aalo la waydiiyay eedaysanaha ayaa qirtay dambiga lagu soo eedeeyay, isaga oo daaha ka qaaday in uu qorsheeyay in dadka deegaanka uu ka iibiyo hilibka eeyga iyagoona aan ka shakin meesha uu ka keenay.