Aqalka sare oo u yeeray wasiirrada beeraha iyo ganacsiga

0
362

Aqalka sare ee dalka ayaa u yeeray wasiirka wasaaradda beeraha Mithika Linturi iyo wasiiradda ganacsiga.
Waxaa laga doonaya in ay Arbacada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bishan Afaraad ee April ay ka soo hormuuqdaan guddiga arrimaha beeraha ee senate-ka.
Guddoomiyaha guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan arrimaha beeraha , xoolaha iyo kalluumeysiga senatar James Murango ayaa sheegay in wasiirrada loo yeeray si su’aallo looga waydiiyo bacrimin faalis ah oo la sheegay in lagu qaybinaya suuqyada wadanka.
James Murango oo sidoo kale ah senatarka ismaamulka Kirinyaga ayaa sheegay in xubnaha guddiga uu hoggaamiyo ay booqan doonaan ismaamullada Murang’a, Kirinyaga, Embu, Laikipia, Nandi, Homabay, Nakuru iyo Kakamega si gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadka arrintan lala xiriiriyay.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay in tallaabo sharciyeed laga qaado cid kasta oo ku lug leh bacriminta aan tayo ahaan wanaagsanayn ee la soo tabiyay in laga iibiyay bakhaarka qaran ee lagu kaydiyo dalagyada ee NCPB.