Aqalka cad ee Maraykanka oo sheegay inuu doonayo inuu wada hadal la yeesho Iiraan

0
854

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay inuu hadda ku kalsoon yahay inuu burbur weyn u geystay barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.
Waxaa uu dhanka kale shaaciyay, inuu doonayo in uu dib u furo wada hadalladii kala dhexeeyay xukuumadda Tehraan ee barnaamijka Nukliyeerka .
Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in xogtii ugu dambaysay ay xaqiijinayso in la burburiyay saddexdii goobood ee ugu waaweynaa Nukliyeerka Iiraan.
Si kastaba ha ahaatee, ergeyga madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe, ayaa xusay in uu sii wadi doono in uu Iiraan ku cadaadiyo in ay ka tanaasusho tayeynta hubka Nukliyeerka.
Steve Witkoff ayaa sheegay in uu rajaynayo inuu toddobaadka soo socdo dib u billaabo wada hadalladii ku saabsanaa heshiis nabadeed oo dhamaystiran .
Balse waxaa uu tilmaamay inuu hadda ku rajo weyn yahay heshiis nabadeed oo dhammaystiran oo lala gaalo Tehran.