Amnesty oo sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo uu Turkiga ka gaystay Soomaaliya

0
402

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in 23 qof oo rayid ah lagu dilay labo weerar oo ka dhacay dalka Soomaaliya oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca loo yaqaano Bayraktar TB-2 oo ay samaysay shirkadda dowladda Turkiga ee Baykar, taasoo ay sheegtay in laga yaabo inay noqoto dambiyo dagaal.
Waxay Amnesty intaasi ku dartay in weerarradaasi oo dhacay 18-kii bishii Saddexaad ee sanadkan, lala beegsaday dad rayid ah oo u badan carruur iyo haween, kuwaas oo ka soo jeeda qabiilka Gorgaarte ee la haybsooco.
Dadka deegaanka ayaa Amnesty u sheegay in duqeymaha ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyagoo daba socday dagaal fool ka fool ah oo horraantii maalintaasi dhexmaray kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.
“Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waa in ay baaritaan ku sameeyaan weerarradan dhimashada badan oo ah dambi dagaal, ayna joojiyaan weerarrada aan ka fiirsiga lahayn ee lagu beegsanayo dadka rayidka ah,” ayuu yiri Tigere Chagutah oo ah agaasimaha gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.
Ururkan caalamiga ah ayaa sheegay in cilmi baarayaasheedu ay xaqiijiyeen in weerarrada lagu qaaday hubka loo yaqaano “MAM-L glide bombs, kuwaas oo laga soo tuuray labo Drones.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa Amnesty u sheegay in ciidamada milateriga Soomaaliya ay duuliyaan TB-2 xilliyada ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Amnesty ayaa sheegtay in 5-tii bishii hore ay warqad u dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, si loo xakameeyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka, balse ma aysan helin wax jawaab ah.