Ammaanka bartamaha caasimadda Nairobi oo la adkeeyay ka hor mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah Gachagua

0
223

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa si wayn u adkeeyay amniga bartamaha caasimadda ee CBD.
Laamaha ammaanka oo ku sugan waddada aadda dhismaha baarlamaanka waddanka ayaa baaritaanno iyo su’aalo weydiinaya shakhsiyaadka adeegsanaya qaybo ka mid ah waddooyinka bartamaha magaalada Nairobi.
Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyadoo la filaya in abbaare 2:30 duhurnimo ee maanta baarlamaanka la horgeeyo mooshinka xil ka qaadista ee ka dhanka ah ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Waxaa sidatan xaqiijiyay xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah.