Waxaa socda baadi goobka askari hore oo Mareykan ah oo looga shakisan yahay inuu toogasho ka geystay baar ku yaalla gobolka Montana ee dalka Mareykanka, kaasoo ay ku dhinteen afar qof.
Toogashada ayaa ka dhacday The Owl Bar ee ku yaalla Anaconda, iyadoo afar qof lagu dilay goobta, sida ay sheegtay Waaxda Dembi-baarista ee Montana.




