Afar qof oo ku dhintay dab ka kacay warshad koronto oo ku taalla dalka Ciraq

0
73

Afar qof ayaa ku dhintay, halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen dab xooggan oo ka kacay warshad koronto oo ku taalla koonfurta dalka Ciraaq, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.
Wakaaladda wararka Ciraaq ee INA ayaa Sabtidii sheegtay in ciidamada gurmadka degdegga ah ay ku guuleysteen daminta dabka ka kacay warshadda korontada ee Hartha iyo guryo ku dhowaa.
Dabka ayaa sababay in gebi ahaanba la joojiyo shaqadii warshadda, taas oo awood u lahayd inay soo saarto 800 oo megawatt oo koronto ah.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay qiiq xooggan oo cirka isku shareeraya iyo gaadiid dabku baabi’iyay, iyadoo dadweyne badan ay goobta ka daawanayeen howlaha gurmadka.
Ilaa hadda lama xaqiijin sababta dhalisay dabka.
Kaabayaasha korontada ee dalka Ciraaq ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay maalgelin yari, dayactir la’aan iyo awood la’aan lagu daboolo baahida korontada, gaar ahaan xilliyada kulaylaha daran.
Dababka iyo ciladaha farsamo ee hore uga dhacay xarumaha korontada ayaa marar badan sababay hakad ku yimaada adeegga korontada iyo koronto la’aan baahsan.