IEBC oo racfaan ka qaadaneyso go’aankii maxkamadda sare ay ku laashay geediscodka sharci beddelka

0
461

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa maxkamadda racfaanka u gudbiyay codsi ay ku doonayaan inay racfaan ka qaatan go’aanka ay maxkamadda sare ay 13-kii bishaan waxba kama jiraan ka soo qaaday geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
IEBC ayaa sheegaty in hadii go’aankii maxkamadda sare uu si jiro iyadoona doorashada guud ee sanadka 2022-ka ay inaga xigto muddo 14 bilood islamarkaana tiro doorashooyin ku celis ah ay qorshaha ku jiraan ay dhamaantood qatar ku jiraan waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxaa racfaanka gudbiyay garyaqaan Eric Gumbo, isagoo ku doodayaa in xiisad dastuuri oo aan horay loo arag ay ka dhalan karto hadii amarkii maxakamadda aan meesha laga saarin.
Mr Eric Gumbo ayaa sheegay inuu aaminsanahay in saameynta amarrada la soo saaray ay tahay in la curyaamiyo howlaha guddiga IEBC oo ay ka mid tahay fulinta doorashooyinka soo socda iyo kuwa ku celiska.
Maxkamadda sare ayaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ku dhaliishay dhammaan go’aamadii ay arrinkan ka qaadatay oo ay ka mid tahay xaqiijinta saxiixyadii shacabka laga soo uruuriyay.
Waxaa ay go’aankan ku saleysay in ay weli bannaan yihiin qaar ka mid ah jagooyinka sare sare ee IEBC sidaas awgeedna guddigu uunan waqti xaadirkan qaadan karin go’aamo masiiri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here