Dab kacay suuqa Kongowea ee ismaamulka Mombasa ayaa dhaliyay khasaaro baaxad leh.
Saddex qoys oo ku noola aagaas ayaa dhibaato xoogan ka soo gaartay dabka.
Ganacsatada suuqa Kongwea ayaa sheegay in khasaaro malaayiin shillin ah ay soo gaartay.
Dadka deegaanka ayaa bogaadiyay gawaarida dabdamiska ah dadaaladii ay ku bixiyeen sidii loo xakameyn lahaa dabkaas.