Ilo caafimaad ayaa warbaahinta u sheegay in weerarada joogtada ah ee Israel ay ku dileen ugu yaraan 23 falastiiniyiin ah Gaza tan iyo subaxnimadii hore ee saaka.
14 ka mid ah dadkaas ayaa lagu dilay bartamaha Qaza.
Daqiiqado ka hor, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in ugu yaraan 39 qof lagu dilay guud ahaan Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ku xusan warbixinteeda maalin laha ah.