Xildhibaano eedeyn u jeediyay warbaahinta BBC-da

0
387

Qaar ka mid ah Xubnaha baarlamaanka ee dalka ayaa warbaahinta BBC-da si ba’an ugu dhaleeceeyay barnaamijkii ay dhawaan sii daayeen kaasi oo ka dhan ah dibadbaxayaashii lagu dilay aqalka baarlamaanka.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay baahinta barnaamij shisheeye iyo in ay si cadaalad darro ah u wiiqayso hay’adaha dimuqraadiga ah ee Kenya.
Qeybta u qaabilsan Barnaamijka dabagalka ee BBC-da ayaa soo bandhigtay ciidamadii dilay seddax ka mid ah dibadbaxayaashii gudaha u galay xarrunta Baarlamaanka.
Waxaa lagu eedeeyay in booliiska iyo ciidamada milateriga Kenya ay heleen amaro qarsoodi ah .
Ilaa seddax qof ayaa lagu dilay agagaarka aqalka Baarlamaanka kuwaas oo qeyb ka ahaa dibadbaxayaashii doonayay in ay gudaha u galaan xarrunta mudanayaasha.
Dhacdadaan oo dhacday 25-kii bishii June ee sanadkii hore ayaa looga soo horjeeday canshuuraha dheeraadka ah ee Kenyaanka lagu soo rogay.
Dowladda ayaana lagu dhalliilay sida ay uga falcelisay dibadbaxyada xiligaas dhacay.