DHEGEYSO:Murkomen oo sheegay in NPR isku shandayn lagu sameyni doono

0
421

Dhammaan Ciidanka Kaydka Qaran Booliiska (NPR) ee ka howlgala dooxada Kerio ee ay burcaddu saameysay ayaa mari doonaan shaandhayn cusub ka hor inta aanay dib ugu laabanin howlahooda.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kipchumba Murkomen ayaa hadalkan ka sheegay kulan heer sare ah oo dhanka amniga ah oo uu la yeeshay taliyeyaasha gobolka, isagoo sabab uga dhigay walaac laga qabo in qaar ka mid ah saraakiisha NPR ay la shaqeeyaan kooxaha burcada ah.
Ka dib ku dhawaad lix saacadood oo wada tashi ah oo uu la yeeshay saraakiisha ugu sareysa ammaanka, oo uu ku jiro Taliyaha guud ee booliiska Douglas Kanja, Murkomen ayaa sheegay in dowladda ay heshay warbixino lagu kalsoonaan karo oo ah qaar ka mid ah saraakiisha kaydka inay caawiyaan kooxaha dambiilayaasha ah.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in baaris cusub ay lama huraan tahay si loo soo celiyo kalsoonidii dadweynaha iyo in meesha laga saaro saraakiishii ku xadgudbo awoodooda.
Murkomen ayaa sidoo kale ku dhawaaqay dib-u-habayn taxane ah oo looga dan leeyahay in lagu habeeyo howlaha amniga. Isbeddelkan muhiimka ah ayaa waxaa uu arki doonaa saraakiisha NPR inay si toos ah uga amar qaataan taliyayaasha saldhigyada booliiska si kor loogu qaado isla xisaabtanka.