DHEGEYSO:Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Kenya Kwanza oo dhaliilay Uhuru

0
475

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga talada dalka haya ee Kenya Kwanza ayaa madaxweynihii hore ee waddanka Uhuru Kenyatta ku dhaliilay inuu ku howlan yahay farogelin iyo kicinta dhallinyarada.
Xilli ay munaasabad kaniiseed uga qayb galeen deegaanka Malava ee ismaamulka Kakamega ayay gacan yaraha madaxweynaha Farouk Kibet, xildhibaanka deegaanka Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii Sylvanus Osoro iyo dhiggiisa Lurambi Titus Khamala sheegeen in qaar ka mid ah caqabadaha hadda jira ay soo billowdeen xilligii uu Uhuru Kenyatta dalka hoggaaminayay.

Dhanka kale , hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichungw’ah iyo madaxa abaabulka ee siyaasiyiinta Kenya Kwanza ee baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa difaacay safarkii uu madaxweynaha dalka William Ruto dhawaan ku tagay Shiinaha.
Waxay sheegeen in hoggaamiyaha qaranka uunan halkaasi u tagin inuu soo helo amaah lacageed balse uu qaranka u soo jiidaya maalgashi.