DHEGEYSO:Kaniisadda Rongo ee ismaamulka Migori oo la xiray ka dib markii ay dad ku dhinteen

0
380

Dawladda dalka ayaa xirtay Kaniisadda St.Joseph ee ku taala magaalada Rongo ee ismaamulka Migori ka dib markii ay ku dhinteen laba qof .
Guddoomiye ku xigeenka ammaanka u qaabilsan Rongo George Matundura ayaa amar ku bixiyay in la xiro kaniisada waxaa uuna faray xubnaha ka tirsanaa kaniisada ee hadda ku xiran saldhiga booliska ee Rongo in ay alaabtooda ka soo qaataan kaniisaddaas .
Xiritaanka kaniisadda ayaa timid kadib markii ciidamada amaanka ay hawlgalo ka sameeyeen ayna ka soo badbaadiyeen 57 qof oo bukaan ah kuwaas oo ku sugnaa kaniisada iyagoo caafimaad raadinayaa.