India oo laga xaqiijiyay xaaladaha cusub ee COVID19 oo gaaraya 259,551

0
453

Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay diiwaan gelisay xaaladaha cusub ee caabuqa corona oo gaaraya 259,551 .
Sidoo kale waxaa halkaasi cudurka ugu dhintay 4,209 bukaan oo dheeraad ah.
Tirada guud ee kiisaska cudurka ee India ayaa hadda ah 26.03 milyan halka dhimashada guud ay tahay 291,331 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee wadankaas.