Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo qabanaya tababar ka dhan ah la dagaalnka maalgelinta argagixisada

0
152

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa ku dhawaaqay in la bilaabay tababar shan maalmood ah oo looga gol leeyahay la dagaalanka maalgelinta argagixisada iyo lacagaha la dhaqo inta u dhaxaysa 22ka ilaa 26ka bishan April.
Hindisaha, oo la soo agaasimay iyadoo lala kaashanayo Isbahaysiga La-dagaalanka Argagaxisada ee Islaamiga ah (IMCTC), ayaa loogu talagalay in lagu wanajiyo awoodaha hay’adaha iyo kuwa shaqsiyadeed ee wax ka qabashada dhinacyada maaliyadeed ee argagixisada.
Barnaamijkan ayaa lagu soo bandhigi doona tababar sharci, tignoolajiyada casriga ah, iyo qaab-dhismeedka iskaashiga caalamiga ah si loo dhiso adkeysiga iyo wacyiga bulshada ee ku wajahan khatarahaas.
KDF waxa ay sheegtay in kulanka looga hadli doono xeeladaha lagu xakameynayo hawlgallada maalgelinta argagixisada iyada oo loo marayo wadaaga aqoonta .
Munaasabadda waxaa guddoomin doonta Wasiirrada wasaaradda Difaaca,ee dalka Soipan Tuya.