Walaac laga muujiyay cudurka daacuunka oo ku sii kordhaya dalka

0
358

Wasaaradda caafimaadka ayaa ku baaqaysa in feejignaan dheeri ah la muujiyo kadib markii la xaqiijiyay saddex kiis oo cusub oo daacuunka ah, taas oo tirada kiisaska ka dhigaysa 125.
Xoghayaha guud ee caafimaadka bulshada Mary Muthoni ayaa sheegtay in dalka uu weli ku jiro heegan sare, waxaana guud ahaan dalka la geeyay saraakiil caafimaad si ay dadka Kenyaanka ah uga wacyi geliyaan sidii loola dagaalami lahaa cudurka Daacuunka.
Tan iyo markii uu dalka ka dilaacay daacuunka waxaa la xaqiijiyay in ay u geeriyoodeen ilaa 6 ruux.
Waxaa uu saameyn adag ku yeeshay ismaamulka Nairobi,Migori iyo Kisumu.
Xaafadaha qaar ee Nairobi ayuu aad ugu fidayaa cudurka daacuunka,iyadoo walaac laga muujiyay fiditaanka cudurkaas.
Kenyaanka ayaa loogu baaqey in ay ku dadaalaan nadaafadda si looga hortago fafaitaanka daacuunka.