Ugu yaraan 40 qof oo lagu dilay Qaza

0
745

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay Israa’iil dishay in ka badan 40 ruux.
Waxaa isbitaallada la geeyay 73 kale oo la dhaawacay.
Tirada dhimashada ee Qaza laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayaa ah ugu yaraan 51,065 qof halka la dhaawacay 116,505.
Israa’iil ayaa duqeymaha Marinka Qaza dib u billowday 18-kii bishii hore.
Waxay xilligaasi ku xadgudubtay heshiis xabbad joojin ah oo ay Xamaas la saxiixatay bishii Koowaad ee sanadkan.
Tan iyo 18-kii Maarso, waxaa la dilay ugu yaraan 1,691 ruux halka la dhaawacay 4,464 .