Waxaa aqalka madaxtooyada ee dalka ee State House, magaalada Nairobi hadda ka socoto munaasabad xilalkooda loogu dhaarinaya wasiirro iyo xoghayeyaal uu horay u soo magacaabay madaxweynaha waddanka Dr. William Ruto oo uu baarlamaanka ansixiyay magacaabidooda.
Waxay kala yihiin wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo horumarinta karaanka aadanaha Geoffrey Ruku iyo wasiiradda jinsiyadda Hanna Cheptumo.
Isniintii ayay ahayd markii guddiyada baarlamaanka ay turxaan bixiyeen labadan qof.
Ruku ayaa beddelaya wasiirkii hore ee adeegga dadweynaha Justin Muturi oo jagadiisi waayay ka dib iskushaandheyn uu sameeyay madaxweynaha.
Waxaa sidoo kale maanta xilalkooda loo dhaarinaya xoghayeyaasha wasaaradaha dowladda sare ee kala ah Dr. Jane Imbunya, Regina Akoth, Cyrell Wagunda, Dr. Caroline Karugu, ,Dr. Fredrick Oluga Ouma,Axmed Ibrahim Cabdisalaan , Judith Pareno, Boniface Makokha , Prof. Shaukar Abdulrazak, Stephen Isaboke, Michel Lenasalon, Frikirini Kahindi, Carren Achieng iyo Aden Cabdi Millah .