Baarlamaanka dalka oo ansixiyey xeer ka dhan ah khiyaanada maaliyadeed

0
232

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa meel mariyay dib u eegis lagu sameeyay xeerka la dagaallanka lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada.
Waxay isbeddelladan qayb ka ahaayeen hindise sharciyeed la soo saaray sanadkii 2023-kii kaasi oo ku saabsanaa la tacaalidda dhaqaalaha laga macaasho musuqmaasuqa iyo khiyaanooyinka kale ee maaliyadeed.
Kenya ayaa doonaysa in ay xoojiso aasaaska sharciga ee la xiriira daahfurnaanta maaliyadeed iyo u hoggaansanka xeerarka caalamiga ah.
Waxaa uu xeerkan soo kordhinaya korjoogtayn adag oo ka dhan ah hay’adaha maaliyadda , waxaa uu ballaarinaya awoodaha xarunta warbixinnada maaliyadeed ee (FRC) iyo wax ka qabashada ganacsiyada laga shakiyo.
Sidoo kale , waxaa uu xeerkan qeexaya in ciqaab adag la mariyo shakhsiyaadka iyo maamullada aan u hoggaansamin xeerarka degsan sida dib u soo celinta hantida la dhacay.
Waxaa la sugayaa in madaxweynaha dalka William Ruto uu qalinka ku duugo xeerka maaliyadeed ee uu baarlamaanka ansixiyay si uu u dhaqan galo.