Kindiki oo sheegay inuu san khilaaf ka dhexeynin Kaniisadaha iyo maamulka madaxweynaha

0
409

Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Abraham Kithure Kindiki ayaa u xaqiijiyay kaniisada in dowladda ay ixtiraameyso madax banaanidooda maadaama ay sare u qaadayso wadashaqeynta labada hay’adood ee horumarinta dalka.
Prof. Kindiki ayaa sheegay in uusan jirin wax loolan ah oo u dhaxeeya kaniisada iyo dowladda, isagoo xusay in maamulka uu u arko baadariyaasha in ay yihiin wada-howlgalayaal kula jira la dagaalanka xumaanta dalka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii ka hadlay Shirka Ajendaha dib u soo noolaynta Afrika ee ka dhacay xaruunta shirarka caalamiga ah ee KICC ee magaalada Nairobi. Shirkaas oo ay isugu yimaadeen in ka badan 4,500 oo baadariyaal ah oo ka kala socday 47-da gobol ee dalka.
Prof. Kindiki ayaa sidoo kale ugu baaqay kaniisada in aysan ka fogaan in ay tilmaamto qaybaha ay dowladda ku guuleysatay isaga oo sheegay in dowladda aysan ka soo horjeedin dhaleeceynta.
Ku xigeenka hoggaamiyaha qaranka ayaa uga mahadceliyay kaniisadda doorkooda is-kaabaya ee horumarinta dalka.
Dhanka kale Kindiki ayaa u balan qaaday kaniisada ka maamul ahaan in ay ka caawin doonaan sidii ay u xalin lahaayeen arrimaha taagan oo ay ka mid yihiin warqado lahaanshaha la’aanta goobaha ay ku cibaadeystaan.