DHEGEYSO:Labo mas’uul oo shaqada laga joojiyay ka dib dhismo lagu burburiyay Mombasa oo uu qof ku dhintay

0
858

Labo mas’uul oo ka tirsan ismaamulka Mombasa ayaa shaqada laga joojiyay iyadoo ay socdaan baaritaannada ku saabsan burburka dhismo ka koobanaa 10 dabaq oo uu ku dhintay Yuusuf Cali Cabdi. Meydkiisa oo la la’aa muddo 11 maalmood ah, ayaa Axaddii laga soo saaray burburka, waxaana markii dambe lagu aasay Kikoani oo ka tirsan ismaamulka Mombasa.
Guddoomiyaha Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa ka hadlay walaaca ka dhashay dib u dhaca ku yimid soo saarista meydka, isagoo ku micneeyay “in aysan suuragal aheyn in meydka la saaro ka hor inta aan la dumin”, isagoo u sababeeyay arrimo la xiriira ammaanka iyo xasillooni darro dhanka dhismaha ah.
Kooxaha xuquuql aadanaha ayaa dalbanayaa in qoyska Yuusuf Cali Cabdi ay helaan Cadaalad .