Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dalbaday in baaritaan qoto dheer oo madax bannaan lagu sameeyo geeridii taliyihii ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta General Francis Ogolla oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.
Kalonzo ayaa maanta magaalada Mwingi ee ismaamulka Kitui ka sheegay in loo baahan yahay baaritaan madax bannaan.
Waxaa uu shaki geliyay faahfaahintii ay dowladdu dhawaan ku soo bandhigay warbixin taasi oo ahayd in shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday Ogolla uu ka dhashay cillad ku timid matoorka ama injinka diyaaradda.
Mr. Musyoka ayaa ku celceliyay in ay qasab tahay in si daahfuran oo lagu kalsoonaan karo loo baaro geeridii taliyihii militariga dalka ee bishii Afaraad ee sanadkii hore ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet.
Hadalka Kalonzo ayaa ku soo aadaya ka dib markii dhiggiisa xisbiga DAP-K, Eugene Wamalwa uu su’aal geliyay sababta ay muddo hal sano ah u qaadatay in la soo bandhigo warbixinta ku saabsan shilkii diyaaradeed ee uu ku geeriyooday General Francis Ogolla.