Hal qof ayaa lagu soo waramayaa inuu dhintay halka 11 kalena la dhigay isbitaalka kadib markii uu cudur dahsoon ka dilaacay tuulada Mbaka oo ka tirsan deegaanka Ikolomani ee ismaamulka Kakamega.
Qoyska qofka geeriyooday oo lagu magacaabo Faith Ilanda oo 26 sano jir ah ayaa sheegeen inay u dhimatay madax xanuun iyo shuban oo ay aad uga sheeganaysay.
Shakhsiyaadka la dhigay isbitaalka ayaa la sheegay inay ka muuqdaan astaamo ay ka mid yihiin matag, shuban, xanuun laabta ah iyo daal aad u daran iyo calaamado kale oo aynan shaqaalaha caafimaadka si buuxda u aqoonsan.
Maamulka caafimaadka ee dowlad deegaanka Kakamega Dr. Livingstone Mbai ayaa shaaca ka qaaday in bukaano badan la dhigay isbitaalka guud ee ismaamulka Kakamega, halkaas oo muunado laga qaaday si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo lagu xakameynayo xaaladda, waxaana ay ku booriyeen dadka deegaanka in ay isdejiyaan oo ay sidoo kale iska diiwaan geliyaan Caymiska Caafimaadka Bulshada ee (SHA).