Cuba oo Mareykanka ku eedeeysane dhakhaatiirtii laga afduubtay Mandheera

0
325

Dowladda Cuba ayaa mar kale farta ku fiiqday Mareykanka ee dib u dhaca dheer ee lagu doonayo in lagu caddeeyo masiirka labo dhakhtar oo lagu afduubay ismaamulka Madheera sanadkii 2019-kii laguna tuhmayo in ay ku sugnaayeen goob uu Mareykanka duqeeyeen sanadkii hore.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez, ayaa, si kastaba ha ahaatee, daaha ka qaaday in dadaallada ay sii wadaan si loo caddeeyo xaaladda labada dhakhtar ee dhalasha ahaan ka soo jeeda Cuba isagoo sheegay in wadahadalka uu weli socdo.
Qoraal uu soo dhigay boggiisa rasmiga ah ee X ayuu Rodriguez ku xusay in dalkaasi uu u dabaaldageyo lix sano tan iyo markii la afduubtay labadan dhakhtar, isla markaana halka ay ku sugan yihiin ay weli mudnaanta siineyso dowladda Cuba.
Qoraalka ayaa ku guuldareystay in si cad loogu qeexo tillaabooyinka la sameeyay si loo hubiyo in labada dhakhtar oo kala ah Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández ay nool yihiin iyo in kale.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka Caribbean-ka uu weli ku eedeynayo Mareykanka inuu ka gaabiyay inuu bixiyo xogtii loo baahnaa sanad kaddib markii taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu weerar ku qaaday xero ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo lagu tuhmayay in labadaas qof lagu hayey.
Warbixin ka soo baxday warbaahinta rasmiga ah ee Prensa Latina ayaa lagu faahfaahiyay in kadib weerar dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee AFRICOM 15-kii February ee 2024-kii ay soo baxeen warar sheegaayo in labada dhakhtar la dilay.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Cuba ayaa carrabka ku adkeysay in dadaalo walbo oo ay ku raadiyeen in Mareykanka ay la wadagaan warbixinta saxda ah ee xaqiijini karto in dhakhaatiirta ay dhinteen iyo in kale ay Mareykanka ka gaabiyeen.