DCI-da oo billaawday baaritaan ku saabsan shaqaaqadii ka dhacday kaniisada PCEA oo Gachagua joogay

0
246

Ciidamada booliiska ayaa bilaabay baaritaanno la xiriira shaqaaqo ka dhacay kaniisad ku taal xaafada Mwiki ee deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi halkaasoo ay ku sugnaayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua iyo siyaasiyiin kale.
Dhacdadan oo dhacday Axadii ayaa sida ay goobjoogayaasha sheegeen waxaa kaniisada gudaha u soo galay kooxa dhallinyaro ah oo hubeysanaa kuwaas oo burburiyay hanti ay leedahay kaniisada.
Ciidamada booliiska ayaa ku guuleystay in ay kala eryaan kooxihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo dhowr ka mid ah la soo qabtay iyaga iyo 10 mooto oo ay wateen.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay DCI-da natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinayaan in rasaasta ay ka timid ilaalada VIP-da iyo dad rayid ah oo sitay hub sharciyeysan si ay madaxda uga ilaaliyaan dhallinyaradii weerarka ku soo qaaday goobta.
Waaxda dambi baarista dalka ayaa carrabka ku adkeysay in kaniisadda ay ku guuldareysatay inay ku wargeliso booliiska xaadirinta mas’uuliyiin sare ah.