Hogaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa cambaareeyay weerarka lagu qaaday madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, xilli uu ka qeyb galayay kaniisad ku taal Kasarani.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuu Kalonzo ku tilmaamay weerarkaasi mid ceeb qaran ah wuxuuna su’aal galiyay sababta loo weeraray goobta kaniisada.
Axadii shalay aay ahayd markii ay rabshado xoogan ka dhaceen Kaniisada Mwiki oo uu ku sugnaa madaxweyne ku xigiinkii xilka laga tuurey.
Dhalinyaro la soo kiraystay ayaa la sheegay in ay carqaladeeyeen adiigii kaniisada uu goobjooga ka ahaa Gachagua.