DHEGEYSO:Shan guddoomiye xaafadeed oo laga afduubtay Mandera oo xuriyadooda dib u helay

0
477

Shan guddoomiye xaafadeed oo ay kooxda Al Shabaab horaantii sanadkan ka afduubatay ismaamulka Mandera ayaa xuriyaddooda dib u helay.
Arrintan ayaa waxaa xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha iyo hawlaha amniga dalka Kipchumba Murkomen.
Waxaa uuna sheegay in mas’uuliyiintaasi ay dhawaan la midoobi doonaan qoysaskooda.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kipchumpa Murkomen ayaa sheegay in shantaasi qof ay si nabad ah gacanta ugu soo galeen saraakiisha ammaanka.

3-dii bishii February, ee sanadkan 2025, ayay ahayd markii gudoomiya xaafadeedyada laga afduubtay deegaanka Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera maalin un ka hor inta uusan madaxweyne Ruto booqasho ku tagin dowlad deegaanka Mandera.
Tan iyo xiligaas madaxweyne Ruto ayaa ku amrey laamaha ammaanka in ay iyagoo badqaba dib u soo celiyaan gudoomiyaasha la qafaashay.