Askari dilay seddax carruur ah ee ismaamulka Homa Bay

0
370

Askari 30 jir ah oo uu saldhigiisa ahaa dowlad deegaanka Marsabit ayaa la sheegay in uu nafta is dhaafiyay ka dib markii uu saddex caruur ah oo uu dhalay ku dilay deegaanka bariga Kakdhimu oo ka tirsan tuulada Kagoga, Karachuonyo ee ismaamulka Homa Bay.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray David Okebe oo fasax ku maqnaa ayaa la sheegay inuu sumeeyay laba wiil iyo gabar shan jir ahayd.
Baaritaano horudhac ah ayaa muujinaya in falkan uu xiriir la leeyahay muran qoys oo soo jiitamayay muddo dheer oo ay ku lug lahaayeen xaaskiisa iyo soddohdiis.
Laamaha ammaanka ayaa dhacdadan baaritaan ku wada.