Xoghayaha guud ee dallada ay ku mideysan yihiin ururrada Shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli ayaa dhaleceeyay barasaabka ismaamulka Nairobi isaga oo ku eedeeyay inuu ka gaabiyay nadiifinta caasimadda dalka.
Atwoli ayaa sheegay in magaalada Nairobi ay u egtahay mida ugu wasakhda badan adduunka oo dadka dalxiisayaasha ay nadaafad darrada magaalada ka soo arkayaan xilliga ay garoonka caalamiga ee JKIA ay ka soo dagaan.
Waxaa uu sidoo kale ka hadlay ciriiriga ka dhex jira isu socodka gaadiidka magaalada oo uu u sababeeyay ciidamada booliiska qaybtooda taraafikadha oo inta badan qaato laaluushka.
Atwoli ayaa sidoo kale ururka shaqaalaha dalka ee FKE ay si rasmi ah u dhaqan geliyaan mishear kordinta shaqaalaha rayidka.