Ole Ntutu oo sheegay in Narok ay diyaar u tahay booqashada madaxweynaha

0
219

Barasaabka ismaamulka Narok Patrick Ole Ntutu ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin socdaalka horumarineed ee madaxweyne William Ruto uu ku mari doono dowlad deegaankaas dabayaaqada bishan.
Madaxweyne William Ruto ayaa shalay soo gabagabeeyey socdaalkiisii shaqo ee 5 maalmood qaatay ee uu ku marayey gobolka Mt. Kenya, taasoo u muuqata isbeddel istaraatiijiyad ah oo lagu doonayo in lagu aamusiyo dadka dhaliila dowladdiisa.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa lagu wadaa in uu safarkiisa horumarineed uu ku tago Narok 28-ka iyo 29-ka bishan April.
Mashaariicda ugu muhiimsan ee la filayo in uu bilaabo ayaa waxaa ka mid ah dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo kor u qaadi doona dalxiiska Maasai Mara.
Dalxiisayaasha ayaa si toos ah uga soo degi doona garoonka diyaaradaha ee Narok halkii ay mari lahaayeen garoonka Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu socdaal ku tago degmada Suswa oo ka tirsan deegaanka bariga Narok halkaasi oo uu ka furi doono mashaariic badan oo dhanka suuqa ah, isagoo kadibna khudbad ka jeedin doono isu soo bax ka dhici doona magaalada Narok.
Guddoomiye Ntutu ayaa socdaalkan ku tilmaamay socdaal sal-ballaaran, kaas oo ku soo beegmay bilo ka dib markii ay heshiiyeen xisbiyada ODM iyo UDA.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale la filayaa inuu booqdo deegaanka Kilgoris, halkaasoo uu weli ka socdo dhismaha waddada Kilgoris iyo Angaga.