DHEGEYSO:Raila oo dowladda ugu baaqay inay dhowrto dastuurka

0
259

Hoggaamiyaha xisbiga ODM ahna Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa dowladda ku eedeeyay in ay dafirtay qaar ka mid ah shaqooyinka dowlad deegaannada ee ku qeexan dastuurka.
Mr. Odinga ayaa ku taageeray dowladaha ismaamullada dadaalka ay ugu jiraan in ay helaan lacag dhan 450 bilyan oo shilin sanad maaliyadeedka soo socda.
Isagoo ka hadlayay Mombasa,ayuu Odinga sheegay in dhammaan shaqooyinka loogu talagalay dowladaha hoose ay tahay in si buuxda loogu qaybiyo dhaqaalaha loo baahan yahay.
Waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in xisbigiisa ODM ay soo saari doonaan musharrax u tartamo xilka madaxtinnimo ee dalka sanadka 2027-ka.