Waxaa uu qorshuhu yahay in baarlamaanka uu 14-ka bishan Afaraad ee April turxaan bixin ku sameeyo Geoffrey Ruku oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha.
Sidoo kale , waxaa maalinkaasi su’aallo la waydiin doonaa wasiiradda magacaaban ee jinsiyadda Hanna Cheptumo.
Bishii hore ayay ahayd markii uu madaxweynaha isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.
Karaaniga baarlamaanka ,Samuel Njoroge ayaa qoraal wargelin ah ku sheegay in guddiyada kala duwan ee baarlamaanka u qaabilsan adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ay turxaan bixin doonaan wasiirrada.
Waxaa abaare 2-da duhurnimo ee 14-ka bishan la wareysan doonaa Ruku oo beddelay Justin Muturi.
Labo saacadood ka dib xilligaasi, waxaa la turxaan bixin doonaa Hanna Cheptumo oo ah xaaska senatarkii ismaamulka Baringo ee geeriyooday bishii hore William Cheptumo .
Shakhsiyaadkan ayaa laga doonaya in ay faahfaahiyaan aqoontooda, khibraddooda shaqo iyo sida ay ugu qalmaan xilalka wasiirnimo ee loo magacaabay.