Booliska oo su’aalo weydiiyay dad la macaamilay ganacsade dhawaan la waayay

0
856

Ciidamada booliska ee dalka ayaa sheegaya in ay su’aalo weydiiyeen shakhsiyaad la macaamilay ganacsade lagu magacaabo Bashiir Maxamuud ka hor inta aan la waayin.
Taliyaha booliska ee deegaanka Kabete ,Francis Wahome ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan dad dhowr ah oo fariimo qoray.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa baaritaano dabagal ah ku haya baabuurka Bashiir oo la helay isaga oo la gubay saddex cisho ka dib markii ay dad ugu war dambeysay ganacsadaha.
Ganacsadaha oo ah 35 sano jir ayaa haysta dhalashada Maraykanka waxaa uuna qayb ka ahaa mashaariic dhanka dhismaha oo ay dowladda ka fulinayso ismaamullada Kiambu iyo Nyeri sida ay ku warramayso warbaahinta maxalliga ee Citizen.