Abaanduulaha booliska oo ka hadlay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhacay

0
431

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa shacabka deegaannada Juja , Bonchari iyo Rurii ee ismaamullada Kiambu, Kisii iyo Nyandarua uga mahadceliyay sida ay ula shaqeyeen saraakiisha ammaanka xilli dhawaan la qabtay doorashooyin ku celis ah.
Waxaa uu sidoo kale u mahad naqay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, warbaahinta , mas’uuliyiinta xisbiyada siyaasadeed iyo kormeerayaal si dhow ula socday codeynta.
Mr. Mutyambai ayaa sheegay in ay jireen dhacdooyin kooban oo la soo tabiyay oo lidii ku ah xasiloonida guud.
Waxaa uu xusay in ciidamada booliska ay baaritaano sameynayaan si cidii lagu helo in ay dembi gashay maxkamadda loo soo taago.
Saraakiisha ammaanka ayuu Mr. Hillary Mutyambai ku ammaanay in ay sida habboon u guteen waajibaadkooda oo ayna is xakameyeen.