Wasaaradda Caafimaadka oo war ka soo saartay cudurkii baryahan dambe laga soo tabiyay Kisii

0
251

Wasaaradda caafimaadka ayaa hadda sheegtay in xanuunka dahsoon ee ku faafay qaybo ka mid ah Koonfurta Mugirango ee ismaamulka Kisii, uu ka dhashay isticmaalka biyaha wasakhaysan ee saxarada. Xoghayaha wasaraadda caafimaadka mary muthoni ayaa hoosta ka xariiqday in inta badan ilaha biyaha ee deegaanka ay sidan oo kale u wasakhoobeen.
Si kastaba ha ahaatee, dadka deegaanka ayaa arrintan been abuur ku tilmaamay waxaa ayna ka codsadeen dowladda inay u sheegto in cudur lagarani waayay uu la soo darsay.