Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Israa’iil ku tilmaamay maamul cunsuri ah

0
330

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta France 24 ku sheegay in maamulka Israa’iil uu yahay mid cunsuri ah.
Waxaa uu xusay in qaabka Israa’iil ay ula dhaqmayso Falastiiniyiinta ay la mid tahay tacaddiigii ay caddaanka u gaysan jireen madowga Koonfur Afrika ee midib takoorka ku saleysnaa.
Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa xusay in marka la eego duqeymaha Israa’iil ay ka waddo marinka Qaza aynan jirin qaab kale oo uu ku tilmaami karo oo aan ka ahayn cunsurinnimo.
Ramaphosa ayaa sheegay in Falastiiniyiinta ay doonayaan ilaalinta xuquuqdooda dimuqraadiga ah iyo qadarinta dowladda madaxa bannaan ee halkaas ka jirto.