IEBC oo dalbatay in dacwad lagu soo oogo shakhsiyaad rabshado abuuray xilligii doorashooyinka ku celiska ah

0
347

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ka dalbaday inuu tallaabo sharciyeed ka qaado cid kasta oo ku lug lahayd rabshado hareeyay doorashooyinkii celiska ee maalinkii Talaadada.
Doorashooyinkan ayaa ka dhacay deegaanada Juja iyo Bonchari ee ismaamullada Kiambu iyo Kisii.
Mr. Chebukati ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in la ogaado shakhsiyaadkii sababay in tirinta codadkii laga dhiibtay Juja saacado la hakiyo si xaaladda loo dejiyo.
Guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay inuu rajeynayo in baaritaano lagu sameyn doono dhacdadaas si cidii lagu cadeeyo in ay iskudayday carqaladeynta geeddisocodka doorashada loola xisaabtamo.
Sidoo kale Mr. Wafula Chebukati ayaa madaxda siyaasadeed ku boorriyay in aynan faragelin waajibaadka dastuuriga ee guddiga IEBC.
Rabshadda uu guddoomiyaha IEBC walaaca ka muujiyay ayaa ka dhacday dugsiga sare ee Mang’u halkaasi oo codadka lagu tirinayay.
Waxaa goobta ku sugnaa siyaasiyiin ay ka mid yihiin barasaabka ismaamulka Kiambu James Nyoro , xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu Moses Kuria iyo mudanaha deegaan baarlamaneedka Kiharu Ndindi Nyoro oo ay ciidamada booliska goobta ka saareen.
Doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Juja waxaa ku guulaystay musharaxii xisbiga PEP ,George Koimburi oo helay codad dhan 12,159 .
Xilkan uu Mr. Koimburi buuxinaya ayaa bannaanaday bishii labaad ee sanadkan xilligaas oo uu geeriyooday Francis Waititu .